Muqdisho (Dawan)- Mararka qaar, hal dhacdo ayaa nolosha qofka u kala qaybisa laba marxaladood oo aan isu ekaan. Qofku wuxuu ka gudbaa noloshii uu yaqaanay, isaga oo wajahaya xaalad cusub oo u baahan dulqaad, adkaysi iyo rajo.
Sidaas ayay nolosha Asad Maxamed Xaji, oo Soomaalidu u taqaan Asad Hagio, isu beddeshay 27-kii Agoosto 2012, kaddib markii uu dhaawac culus oo rasaas ah soo gaaray.
Asad wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Marka, caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashadiisa. Noloshiisa caadiga ahayd ayaa maalin qura is bedeshay waxaana soo wajahday dhacdo aan sahal lagu illoobi karin, taas oo saameyn weyn ku yeelatay mustaqbalkiisa.
Maalintii wax walba is beddeleen
27-kii Agoosto 2012 waxay Asad ugu bilaabatay sidii maalin caadi ah oo farxad leh. Sida uu sheegay, saacadihii ka horreeyay dhacdada wuxuu ku jiray xaalad wanaagsan, balse wax walba ayaa si lama filaan ah isu beddelay. Isaga oo goobtiisa shaqada ku sugan ayaa kooxo bastoolado ku hubaysan ay rasaas ku fureen, taas oo sababtay inuu miyir daboolmo, isla markaana uu soo gaaro dhaawac culus. Dhaawaca kaddib, Asad wuxuu muddo ku jiray miyir-la’aan. Markii uu miyirkiisa kusoo noqday, wuxuu is arkay isaga oo loo sii qaadayo isbitaal. Mid ka mid ah wararkii ugu adkaa ee uu xilligaas helay ayaa ahaa in dhaawacu uu sababi karo inuusan mar dambe istaagin ama socon karin. Hase yeeshee, inkasta oo xaaladdaasi ay ahayd mid culus, rajadu kama dhammaan.
“Still rajaa leeyahay,” ayuu yiri Asad, isaga oo muujiyay rajadiisa ah inuu mar kale socon karo.
Intii uu dhaawaca ku jiray, waxaa sidoo kale la ogaaday, sida uu sheegay, in la raadinayay, isla markaana ay jireen dad doonayay inay waxyeello kale u geystaan. “Anigoo saas u dhaawacan ayaa la soo ogaaday in la i raadinayo,” ayuu yiri Asad oo waraysi ku bixiyay barnaamijka Barbaarta ee ka baxa Dawan, kaas oo uu daadihiyo Abukar Osman.
Isbitaalka Madiina iyo marxaladdii adkayd
Kaddib dhacdada, Asad waxaa loo qaaday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sheegay inuu ku jiray ku dhowaad laba toddobaad. Intii uu isbitaalka ku jiray, ehelkiisa, qoyskiisa iyo saaxiibbadiis ayaa garabkiisa ahaa, iyaga oo qayb ka qaatay taageeradii uu u baahnaa xilligaas adag.
Sawirradii iyo muuqaalladii laga qaaday xilligii uu dhaawaca ku jiray ayaa maanta Asad u ah xusuus ka tarjumaysa marxalad adag oo uu soo maray. Wuxuu si gaar ah u xusay Cabdullaahi Xaaji iyo qoyskiisa, kuwaas oo uu sheegay inay garabkiisa taagnaayeen xilligii adkaa. Dhaawacaasi wuxuu noqday qayb ka mid ah taariikhda noloshiisa, balse ma uusan noqon dhammaadka sheekadiisa.
Xirfadaha oo u noqday waddo cusub
Ka hor inta uusan YouTube ka dhigin shaqadiisa, Asad wuxuu ku tiirsanaa xirfado uu horay u lahaa. Wuxuu ku jiray baraha bulshada sida Instagram iyo Facebook, sidoo kalena wuxuu hore uga soo shaqeeyay sawir-qaadista iyo shaqooyin la xiriira daabacaadda. YouTube-ka, sida uu sheegay, qorshihiisa hore kuma jirin.
Bilowgii, wuxuu kasoo muuqan jiray muuqaallo uu sameyn jiray walaalkiis, kuwaas oo lagu faafin jiray kanaal lagu magacaabo Arimaheena. Muuqaalladaas kaddib, daawadayaasha ayaa bilaabay inay ku dhiirrigeliyaan inuu yeesho kanaal isaga u gaar ah. Markii ugu horreysay ee uu isku dayay inuu si gaar ah uga shaqeeyo YouTube, muuqaal uu kasoo muuqday ayaa faafay, taas oo sii kordhisay xiisaha daawadayaasha. “Dadka ayaa i jeclaysiiyay,” ayuu yiri. Taageeradaas ayaa ugu dambayntii u horseedday inuu YouTube ka dhigo shaqadiisa joogtada ah.