Muqdisho (Dawan)- Taariikhda Koobka Adduunka ee FIFA laguma xasuusto oo keliya goolasha quruxda badan, koobabkii la qaaday iyo ciyaarihii xiisaha lahaa, balse sidoo kale waxaa ku suntan dhacdooyin muran badan dhaliyay oo ay sameeyeen ciyaartoy, tababarayaal iyo garsoorayaal. Dhacdooyinkaas ayaa mararka qaar saameyn ku yeeshay natiijooyinka tartanka, halka kuwo kalena ay noqdeen xusuus aan ka go’in maskaxda taageerayaasha kubadda cagta.
Hertintii Zidane iyo dhammaadkii murugada lahaa
Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu caansan taariikhda Koobka Adduunka ayaa dhacay finalkii Koobka Adduunka 2006 ee dhex maray Faransiiska iyo Talyaaniga. Xiddigii Faransiiska, Zinedine Zidane, oo ciyaarayay kulankiisii ugu dambeeyay ee xirfaddiisa, ayaa madax ku dhuftay daaficii Talyaaniga Marco Materazzi oo la sheegay inuu hadallo aflagaaddo ah ku yiri Zidane.
Garsoorihii ciyaarta ayaa kaarka cas siiyay Zidane, taasoo keentay in Faransiisku ku dhammeysto kulanka isaga oo uu ka maqan yahay kabtankoodii. Ugu dambeyn Talyaaniga ayaa ku guuleystay koobka, halka dhacdadaasi noqotay mid si weyn loogu xasuusto taariikhda tartanka.
Daadintii ilkaha Battiston
Koobkii Adduunka ee 1982 ayaa lagu xusuustaa mid ka mid ah dhaawacyadii ugu xumaa ee loo gaysto ciyaariyahan kadib markii uu goolhayihii Jarmalka Galbeed Harald Schumacher si adag uga hor yimid ciyaaryahankii Faransiiska Patrick Battiston intii lagu jiray wareegga afar dhammaadka.
Battiston waxaa dhaawac kasoo gaaray afka iyo qoorta waxaana jabay qaar ka mid ah ilkihiisa. Inkastoo dhacdadu ahayd mid aad loo cambaareeyay, hadana garsoorihii ciyaartaas wax tallaabo ah kama qaadin Schumacher, waxaana Jarmalku ugu dambeyn ku soo baxay gool-ku-laadyo.
“Dagaalkii Nuremberg” iyo rikoodhkii kaararka
Kulankii wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2006 ee dhex maray Portugal iyo Netherlands ayaa galay taariikhda isagoo noqday mid ka mid ah kulamadii ugu adkaa uguna muranka badnaa.
Garsoorihii Ruushka ahaa Valentin Ivanov ayaa bixiyay 16 kaar oo huruud ah iyo 4 kaar oo casaan ah, taasoo noqotay rikoodh aan wali la jabin. Kulankaas oo loo bixiyay “Dagaalkii Nuremberg” ayaa lagu xusuustaa qaladaad badan iyo ciyaar lafa jebis ah oo ay sameeyeen labada dhinac.
Laadkii Nigel de Jong
Finalkii Koobka Adduunka 2010 ee u dhexeeyay Spain iyo Netherlands ayaa isna lahaa dhacdo si weyn loo xasuusto. Ciyaariyahnkii Netherlands Nigel de Jong ayaa laad xooggan kaga dhuftay laabta ciyaaryahankii Spain Xabi Alonso.
Inkastoo falkaasi u ekaa mid mudan kaar cas, hadana garsoore Howard Webb ayaa bixiyay kaliya kaar huruud ah. Dhacdadaas ayaa noqotay mid si weyn looga dooday kubadda cagta caalamka.