Jigjiga(Dawan)— Laba iyo labaatan dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh oo ka yimid Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bilaabay howlo caafimaad oo bilaash ah oo muddo siddeed maalmood ah ka socon doona magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Dhakhaatiirtan ayaa inta u dhexeysa 4-ta iyo 12-ka Sebtembar 2026 qaliimo bilaash ah ka fulin doona Cusbitaalka Takhasuska Sare ee Suldaan Sheekh Xasan Yabarre iyo Cusbitaalka Kaaraamardha ee magaalada Jigjiga.
Qaliinnada ay kooxdu fulinayso ayaa isugu jira kuwo guud iyo kuwo takhasusyo gaar ah leh, waxaana ka mid ah qaliinnada kaadi-mareenka carruurta iyo dadka waaweyn, lafaha carruurta, kelyaha, burooyinka, iyo qaliinnada ku saabsan sanka, dhuunta iyo dhegaha.
Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Maxamed Ayaanle, ayaa sheegay in dhakhaatiirtu ay wadaan lix nooc oo qaliimo ah, kuwaas oo loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn.
“22 dhakhtar oo takhasus ah oo ka socda dalka Sacuudiga ayaa inta ay joogaan deegaanka samayn doona qaliimo bilaash ah,” ayuu yiri Maxamed Ayaanle.