Dhuusamareeb (Dawan)-Waxaa isbuuca soo socda la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug marti geliso shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Shirkaan ayaa kusoo beegmaya iyada oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku suganyahay magaalada Dhuusamareeb , kana dhigtay xarunta laga hago dagaalka dowladdu kula jirto xoogaga Al-shabaab.
Shirkaan oo ay ku kulmaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa looga hadlaa inta badan qaddiiyadaha ugu waaweyn ee dalka ka jira iyo dhameystirka daadijinta federaalaynta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.