Lamu (Dawan) – Boqolaal shacabka deegaanka ah oo isagu jira dhallinyaro iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa Jimcihii isugu soo baxay magaalada Lamu, iyagoo ka dibadbaxay sii socoshada bandowga habeennimo ee gobolka, inkastoo maxkamadda sare ee dalkaas ay horay u soo saartay go’aan lagu sheegay in bandowgaasi sharci darro yahay.
Dibadbaxa waxaa ka qeyb galay ururro ay ka mid yihiin Muslims for Human Rights (MUHURI), HAKI Africa, VOCAL Africa, Lamu Youth Assembly iyo shacabka deegaanka, kuwaas oo maamulka ku eedeeyay inuu iska indha tirayo amarro maxkamadeed isla markaana uu ku xadgudbayo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta.
Dibadbaxan ayaa daba socda go’aan bishii hore ka soo baxay Maxkamadda Sare, kaas oo lagu amray in la qaado bandowga habeennimo ee Lamu, kaas oo gobolka saarnaa in ka badan toban sano si loo xoojiyo amniga loogana hortago falalka argagixisada iyo amni darrada ka jirta xeebta dalka Kenya.
Ururka MUHURI ayaa dhaliilay dowladda, wuxuuna sheegay in bandowga weli ka jira gobolka oo ka hor imaanayo go'aanka maxkamaddu ay hore ugu sheegtay in aan sharci loo marin.
Ururka ayaa sheegay in sii socoshada bandowgu uu yahay xadgudub ka dhan ah ku dhaqanka sharciga, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah si loo la xisaabtamo cid kasta oo mas’uul ka ah.