Washington (Dawan)- Kulankii todobaad ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dowladaha saaxibada la ah ee ka taageera dhinaca amniga ayaa ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Kulanka waxaa looga hadlay horumarinta laamaha amniga, in Soomaaliya laga taageero inay si buuxda ula wareegto mas'uuliyadda amniga iyo in sidii looga adkaan lahaa ururka Al-shabaab.
Kulanka soo socda ayaa lagu ballamay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) waxa uu sheegay in la hiigsanayo sidii sare loogu qaadi lahaa dadaallada horumarinta amniga iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, si loo gaaro nabad waarta.
Dowladahan oo loo yaqaano “5 Geesoodka Taageerada Soomaaliya” ayaa kala ah Mareykanka, Britain, Qatar, Turkey, iyo Imaaraadka Carabta.
Ujeedka loo sameeyay kooxdan ayaa ah mideynta taageeradooda milatari iyo ka fogaanshaha iska hor imaadka danahooda maadaama ay dhamaantood ku lug leeyihin laamaha amniga ee Soomaaliya, waxeyna hore ugu kulmeen magaalooyinka Dooxa, Ankara, New York, laba jeer oo Abu Dhabi ah iyo London.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay, waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), La-taliyaha Amniga Qaranka , Xuseen Sheekh Cali iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)