Jigjiga, Maarso 6, 2026 (Dawan)— Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku guulaysatay inay shaqooyin u abuurto in ka badan 109,000 oo muwaadin, kuwaas oo ka hawlgali doona waaxyaha muhiimka ah ee dhaqaalaha sida beeraha, warshadaha, iyo adeegyada, sida ay werisay warbaahinta Dawlad Deegaanka Soomaalida maanta oo Jimce ah.
Arrinkaan ayaa lagu sheegay kulan ka dhacay madaxtooyada oo uu guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka, Ibraahim Cusmaan Faarax, kaas oo lagu qiimaynayay horumarka laga gaaray dadaallada shaqo abuurka ah. Kulanka ayaa xoogga lagu saaray shaqooyinka laga abuuray qaybaha beeraha, wershadaha, iyo huteellada (dalxiiska), kuwaas oo dhammaantood door muhiim ah ka ciyaara dhaqaalaha gobolka.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka, wadar ahaan 109,731 qof ayaa shaqooyin helay iyada oo loo marayo barnaamijyadan, halka qiyaastii 110,057 qof oo shaqo doon ah si rasmi ah loo diiwaangeliyey.
Si loo hagaajiyo dabagalka suuqa shaqada ee deegaanka, nidaamka diiwaangelinta waxaa lagu daray habka casriga ah ee aqoonsiga faraha (biometrics). Tallaabadan ayaa ka turjumaysa go’aanka maamulka ee ku aaddan kordhinta waxtarka istiraatiijiyadaha horumarinta awoodda shaqaalaha.








