Jigjiga (Dawan) — Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ansixiyay qorshe sannadeedka mashruuca horumarinta silsiladda wax-soo-saarka qamadiga, kaas oo ka kooban siddeed hindise oo loogu talagalay horumarinta wax-soo-saarka beeraha, sida lagu sheegay qoraal uu Xafiiska Beeraha ee deegaanku ku baahiyay boggiisa Facebook Talaadadan maanta ah.
Guddiga hagista mashruuca ayaa dib u eegay warbixinta waxqabadka mashruuca ee sannadka 2018 E.C. (2025–2026), wuxuuna ansixiyay qorshaha shaqo ee sannadka 2019 E.C. (2026–2027), sida uu sheegay Xafiiska Beeraha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Kadib falanqayn iyo talooyin, guddigu wuxuu cod buuxa ku ansixiyay qorshaha, kaas oo ka kooban mashaariic la xiriira waraabka, casriyeynta qalabka beeraha iyo hawlo kale oo lagu horumarinayo wax-soo-saarka qamadiga.
Guuleed Axmed Cali, oo ah madaxa Xafiiska Beeraha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in loo baahan yahay iskaashi dhex mara hay’adaha ay khusayso, maadaama mashruucu muhiim u yahay horumarinta wax-soo-saarka qamadiga.