Jigjiga (Dawan)- Guddiga hagidda mashruuca shabakadda badbaadada, waxsoosaarka iyo shaqo-abuurka magaalooyinka ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Jimcihii ansixiyay miisaaniyad dhan 1.28 bilyan oo birr, taas oo loogu talagalay taageerada dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka deegaanka.
Miisaaniyaddan, oo u dhiganta 7.9 milyan oo dollar, ayaa lagu ansixiyay kulanka sannadlaha ah ee guddiga. Waxaa lagu fulin doonaa qorshaha mashruuca ee sannad-maaliyadeedka 2019-ka ee taariikhda Itoobiya.
Mashruuca oo loo soo gaabiyo UPSNJP ayaa diiradda saaraya yaraynta saboolnimada, abuurista fursado shaqo iyo horumarinta nolosha qoysaska danyarta ah.