Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah oo aan shuruud ku xirnayn loo joojiyo dagaalka beeleedka ka socda deegaanka Dawaco ee degmada Badhan, gobolka Sanaag, iyadoo dhinacyada ku lugta leh looga dalbaday inay muujiyaan is-xakameyn iyo masuuliyad.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay si dhow ula socoto colaadda u dhexeysa beelaha ku dagaallamaya deegaanka Dawaco.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhinacyada inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka iyo rasaasta, kana fogaadaan falal ama hadallo sii hurin kara colaadda. Waxay sidoo kale ku adkeysatay in mudnaanta la siiyo wada-hadal, is-afgarad iyo xal nabadeed oo waara.