Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa'uud Aweys Jaamac ayaa ku dhawaaqay in dalku galay xaalad deg-deg kadib fatahaadii ku dhuftay Gobollo badan oo dalka ka mid ah.
Wasiirka ayaa go'aankaaan ka sheegay shir jaraa'iid oo ay si wada jir ugu qabteen isaga, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wakiilo ka socda Culimada Soomaaliyeed.
Wasiirka waxa uu xaqiijiyay in dadka ku dhintay fatahaada ka dhashay roobabkii ugu dambeeyay ay gaarayaan ilaa 31 qof.