Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay xogta hordhaca ah ee la xiriirta dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay iska hor imaadkii ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 3–4 Juun 2026.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xogtan laga soo ururiyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo diiwaangeliyay dadka waxyeelladu ka soo gaartay dhacdooyinkaasi.
Tirakoobka rasmiga ah ee la shaaciyay ayaa lagu sheegay 1 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca gaaraya ilaa 55 qof. Mana jirin tiro rasmi ah oo la xiriirta dadka ka barakacay degmooyiinki ay qalalaasuhu ka jireen.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa tacsi u dirtay ehelada iyo qaraabada qofka geeriyooday, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajaysay dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaareen.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay mahadcelin u dirtay shaqaalaha caafimaadka, adeegyada gurmadka degdegga ah, iyo dhammaan xarumaha caafimaadka ee ka qeyb qaatay dadaallada lagu badbaadinayay nolosha dadka waxyeelladu gaartay.