Muqdisho (Dawan ) – Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in dib ugu laabashada hoygooda ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, aysan ka dhignayn in laga haray baaritaannada iyo dacwadaha la xiriira dhacdooyinkii iyo xiisadihii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa sheegay in fasaxa loo oggolaaday labada siyaasi uusan micnaheedu ahayn in laga noqday mas’uuliyadihii sharci ee la xiriiray dhacdooyinka dhacay.
“Macnaheedu ma aha haddii la fasaxo oo la yiraahdo meeshii ku laabta in dembigii looga haray ama ay xor yihiin,” ayuu yiri Taliyaha, isaga oo xusay in hay’adaha ammaanka ay sii wadaan baaritaannada ku saabsan wixii dhacay.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in gal dacwadeed laga furay dhacdooyinkii la xiriiray xiisadda Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay in khasaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhashay aan la iska indho tiri karin.