Muqdisho (Dawan)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa shalay Muqdisho ka furay isniinti shirka Isku-duwidda Waaxda Caafimaadka Soomaaliya iyo Dib-u-eegista Wadajirka ah ee Sannadlaha ah (JAR), kaas oo diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka waaxda caafimaadka iyo caqabadaha hortaagan horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.
Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, mas'uuliyiin ka socday wasaaradaha caafimaadka dowlad-goboleedyada, agaasimayaal iyo madaxda isbitaallada dowladda, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera waaxda caafimaadka Soomaaliya.
Ajandaha shirka waxaa ka mid ahaa dib-u-eegista mashaariicda caafimaadka ee socda, horumarinta Qorshaha Caafimaadka Qaranka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay'adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Ka qeybgalayaashu waxay sidoo kale falanqeeyeen waxqabadkii la gaaray, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu ballaarin karo adeegyada caafimaadka, si bulshada Soomaaliyeed ay u hesho adeegyo tayo leh oo loo siman yahay.