Muqdisho (Dawan) — Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa uga digtay hay’adaha warbaahinta iyo maamulayaasha akoonnada baraha bulshada inay tallaabo sharci ah kala kulmi karaan faafinta dacaayadaha taageera kooxaha hubeysan iyo dhiirrigelinta rabshadaha.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay maanta oo Isniin ah ayay ku sheegtay in warbaahinta, mareegaha internetka iyo akoonnada baraha bulshada ee si ula kac ah u diyaariya ama u faafiya dacaayadaha Al-Shabaab iyo maleeshiyaad ay sheegtay inay la safan yihiin oo ay sheegtay inuu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed Cabdicasiis lafta gareen ay mas’uuliyad sharci la kulmi karaan.
Wasaaraddu waxay digniinteeda ku salaysay Sharciga Saxaafadda, Sharciga La-dagaallanka Argagixisada, shuruucda ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.