Jabuuti (Dawan) – Dufcad cusub oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qalin-jabisay ka dib markii uu tababar saddex bilood ah ugu soo dhammaaday dalka Jabuuti, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Cutubkan, oo lagu tilmaamay dufcaddii 24-aad ee boolis Soomaaliyeed ah ayaa casharrada ku qaatay Akadeemiyada Booliska ee Idiris Faarax, sida ay werisay wakaaladda wararka Jabuuti ee ADI.
Tababarka waxaa iska kaashaday macallimiin ka tirsan booliska Jabuuti iyo ciidanka Carabinieri ee dalka Talyaaniga, kuwaas oo bixiyay khibrado la xiriira booliska casriga ah iyo howlgalada amniga, sida lagu xusay warbixinta ADI.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Asad Cismaan Cabdullaahi, oo goob-joog ka ahaa munaasabadda qalin-jabinta, ayaa uga mahadceliyay dowladaha Jabuuti iyo Talyaaniga taageerada ay fidiyaan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliska Soomaaliyeed.


