Muqdisho (Dawan)- Dowladaha dunida iyo Ururada Caalamiga ah ayaa garab istaag u muujiyay Soomaaliya kadib qaraxii galaaftay nolosha in ka badan 30 qof oo ku sugnaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho habeenimadii Jimcaha.
Dowladaha deriska ah, Carabta iyo kuwa sida dhow xiriirka ula leh Soomaaliya oo lagu sii daray Ururada Caalamiga ah ayaa dhammaantood cambaareeyay falkaas, waxeyna hoosta ka xariiqeen sida ay u garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si loo soo celiyo xasilnoodii iyo amaanka guud ahaan dalka.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii ka dhacay xeebta Liido ee lagu dilay laguna dhaawacay dad rayid ah oo xiligaas nasiino u joogay xeebta.
“Mar kale in la bartilmaameedsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxey muujineysa in argagixisadu waalanyihiin ayna ka shaqeeyan kaliya rabshadaha” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jabuuti.
Waxaan aad uga xunnahay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkii argagaxa lahaa ee ka dhacay xeebta caanka ah ee Muqdisho, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isaga oo raaciyay, waxaan u ducaynaynaa dhibanayaasha, qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira xilligan adag.
Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kaas oo sababay dhimashada in ka badan 30 qof iyo dhaawaca dad kale oo tira badan.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki , ayuu ku cambaareeyay falkaas, isagoo tacsi u diray qoysaska eheladooda ku waayay weerarkan, wuxuuna ku celiyay sida uu Midowga Afrika u garab joogo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdiisa ee dagaalka kula jiraa, waxa uu ugu magac daray aafada argagixisada.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka mid ah ururada cambaareeyay qaraxaas, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay oo ku sugan Brussels. "Midowga Yurub wuxuu xaqiijinayaa in weerarkan naxariis darada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah uu muujinayo wuxuushnimada argagixisanimo ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan", ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub.
Midowga Yurub ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada la siiyo dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada nooc kasta oo ay tahay.
Xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Jimcihii ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inuu ka dhashay qasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac tira badan.