Muqdisho (Dawan Africa) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga caasimadda, laguna carqaladeynayo kala dambeynta iyo haybadda dowladnimada.
Qoraal uu soo saaray, Muungaab ayaa ku ammaanay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga, isagoo sheegay inay gudanayaan waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo adkeynta jiritaanka dowladnimada.
Duqa Muqdisho ayaa xusay in howlaha ay ciidamada iyo hay’adaha amnigu ka wadeen magaalada saacadihii la soo dhaafay ay muujinayaan dadaallada lagu difaacayo xasilloonida, sharciga iyo kala dambeynta caasimadda.
Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyay shacabka Muqdisho dulqaadka, wacyiga iyo wada-shaqeynta ay la garab taagan yihiin hay’adaha amniga xilligan adag.