Bari, Puntland – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Miraale ee gobolka Bari lagu dilay ugu yaraan 25 dagaallame oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgasha gobolka.
Qoraal kasoo baxay howlgalka la dagaallanka argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay:
"Duqeyn ka dhacday deegaanka Miiraale ee Buuraha Calmiskaad ayaa lagu dilay 25 dagaallame oo ka tirsanaa haraadiga argagixisada ISIS kuwaas oo isku aruursanayey."
Puntland ayaa xaqiijisay in duqeynta ay fuliyeen ciidamada dowladda Imaaraadka Carabta oo gacan ka helayay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Goobta la duqeeyay ayaa lagu tilmaamay xarun ay Daacish ku urursaneyd.