Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu qabtay munaasabadda daah-furka duulimaadka tooska ah ee ay Diyaaradda Masar ku imaanayso caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Diyaaradda oo maanta billaawday duulimaadyadeeda tooska ah ee Soomaaliya ayaa todobaadkii imaan doonta laba jeer Muqdisho, iyada oo khadkeedu noqon doono Qaahira, Jabuuti, Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada ee Masar.
Dowladda Soomaaliya oo ay metelayaan Wasiiradda Dibadda iyo Duulista Hawada ayaa soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan dhiggooda Masar, waxaana si rasmi ah loo daah-furay khadka duulimaad ee tooska kaas oo isku xiraya labada dal, iyada oo looga danleeyahay in la ballaariyo iskaashiga isgaarsineed ee Masar iyo Soomaaliya.
Wajiga cusube ee iskaashiga Soomaaliya iyo Masar
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Masar, Badr Cabdicaadi oo wada qabtay shir jaraa'id waxa ay labaduba hoosta ka xariiqeen sida ay uga go'an tahay labada dal sare u qaadidda xiriirka dhow iyo iskaashiga u dhexeeya si loo xoojiyo is-dhexgalka gobolka.