Miami (Dawan) – Xulka England ayaa ku guuleystay kaalinta sedexaad ee Koobka Adduunka 2026 kadib markii uu 6–4 kaga adkaaday France, kulan xiiso badan oo la iska dhaliyay 10 gool, kaas oo ay si weyn uga dhex muuqdeen Bukayo Saka iyo Kylian Mbappé.
Guushan ayaa noqotay natiijadii ugu fiicneyd ee England ka gaarto Koobka Adduunka tan iyo markii ay ku guuleysatay koobkii 1966.
Ka hor bilowga ciyaarta, tababaraha England Thomas Tuchel ayaa qeylo kala kulmay taageerayaasha Englad, kadib dhaleeceyn xooggan oo loo jeediyay qaab-ciyaareedkiisii difaaca ku saleysnaa ee kulankii nus-dhamaadka ay guuldarrada kala kulmeen Argentina.
Si kastaba ha ahaatee, England ayaa si weerar ah ku billowday ciyaarta, inkastoo Harry Kane iyo Jude Bellingham lagu soo bilaabay kursiga keydka.
Declan Rice ayaa furay gooldhalinta daqiiqaddii 3-aad kadib qalad uu sameeyay Désiré Doué, waxaana 18 daqiiqo gudahood hoggaanka u sii dheereeyay Ezri Konsa oo madax ku dhaliyay laad gees uu soo qaaday Rice.
England ayaa sii wadday cadaadiska, waxaana Marcus Rashford uu ka faa’iideystay qaladaadka difaaca France si uu kubad ugu dhiibo Bukayo Saka oo dhaliyay goolkii saddexaad daqiiqaddii 37-aad. Waqtigii dheeriga ahaa ee qaybta hore ayuu Saka markale shabaqa gaaray, isagoo ka faa’iideystay kubad uu u dhigay Eberechi Eze, taasoo ka dhigtay 4–0 ka hor nasashada.
Tababaraha France Didier Deschamps ayaa afar isbeddel sameeyay markii la isku soo laabtay, waxaana France ay bilowday soo laabasho xooggan.
Kylian Mbappé ayaa dhaliyay gool daqiiqaddii 48-aad, isagoo la sinmay Lionel Messi rikoodhka gooldhalinta taariikhda Koobka Adduunka, halka Bradley Barcola uu lix daqiiqo kaddib yareeyay farqiga.