Asmara (Dawan)- Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka Eritrea ayaa ku dhawaaqday in la hakiyay dhammaan duullimaadyadii diyaaradda Ethiopian Airlines ee ay ku tagi jirtay Eritrea, laga bilaabo 30-ka bisha September 2024.
Hay’adda ayaa ku eedeysay diyaaradda inay xad gudub ku samaysay dadka rakaabka ah ee Eritreanka ah iyada oo lagu sameeyay xatooyo iyo waxyeellenta alaabtooda iyada oo aan wax magdhaw la siinin.
Waxyaabaha kale ee lagu eedeeyay Ethiopian Airlines waxaa ka mid ah daahitaan iyo alaab dhimin.
Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa dhankeeda qiratay in 21-di bishaan July lasoo gaarsiiyay ogaysiiska lagu joojiyay duulimaadyadeeda, waxeyna raacisay inaan loo sheegin sababta ka dambeysa go'aankaas.