Asmara (Dawan) – Dowladda Eritrea ayaa si adag u diidday qorshaha iyo damaca Itoobiya ee ah inay “dib u hesho” marin badeed, kaddib markii warbaahinta dowladda Itoobiya ee Fana ay baahisay warbixin ku saabsan dib u dhiska ciidamada badda dalkaas.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in Itoobiya aysan “dib u heli karin dekedo iyo marin badeed” aysan waligeed lahayn, marka laga reebo xilliyadii federaalka iyo qabsashada, oo uu ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah.
“Qabsashada iyo xoog ku haysashadu midkoodna ma siinayo dhinaca qabsaday xuquuq taariikhi ah ama sharci ah,” ayuu yiri Yemane, isagoo intaas ku daray in arrintaasi ay saldhig u tahay sharciga caalamiga ah.
Jawaabta wasiirka Eritrea ayaa timid kaddib markii Fana Media Corporation, oo ah warbaahin ay dowladda Itoobiya leedahay, ay 19-kii Oktoobar qaybteeda afka Carabiga ku daabacday maqaal cinwaankiisu ahaa “Ciidamada Badda: Gaashaanka Ilaalinta Danaha Qaranka Itoobiya.”
Maqaalka ayaa sheegay in Itoobiya ay la kulantay shirqoollo siyaasadeed oo ka xayuubiyay marinno badeed ay taariikh ahaan lahayd, isla markaana dowladda Itoobiya ay go’aamisay in dib u helidda marin badeed ay tahay arrin la xiriirta jiritaanka iyo nolosha dalka. Fana ayaa sidoo kale xustay in ciidamada badda Itoobiya la aasaasay sannadkii 1956-kii, la kala diray kaddib isbeddello juqraafi-siyaasadeed, dibna loo soo nooleeyay sannadkii 2019-kii.