Geneva (Dawan) — Eritrea ayaa sheegtay in quwado shisheeye ay Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF) siinayaan hub casri ah, nidaamyo hub iyo calooshood u shaqeystayaal, waxayna ku baaqday in si wadajir ah looga hortago faragelinta dibadda ee colaadda Suudaan. Arrintan ayaa lagu sheegay khudbad uu sii-hayaha xilka madaxa ergada Eritrea ee Geneva ka jeediyay wadatashiyo nabadeed oo ay Qaramada Midoobay taageertay.
Khudbadda oo Khamiistii ay daabacday Wasaaradda Warfaafinta Eritrea laguma magacaabin dal ama koox gaar ah. Waxaa lagu xusay in taageeradaasi ay sii uga soo dareyso qalalaasaha, isla markaana ay horseedi karto hirgelinta dano halis ku ah midnimada Suudaan.
Wafdiga Eritrea ayaa sheegay in nabad waarta lagu gaari karo oo keliya in si furan oo wax-ku-ool ah looga hadlo saameynta ay ku lug lahaanshaha dhinacyada dibaddu ku leedahay colaadda Suudaan.
Khudbadda waxaa jeediyay Habtom Zerai Ghirmai, oo ah sii-hayaha xilka madaxa ergada Eritrea ee Geneva. Eritrea ayaa markii ugu horreysay lagu casuumay Kulanka Lixaad ee Wadatashiga Xoojinta Isku-duwidda Hindiseyaasha iyo Dadaallada Nabadda Suudaan.
Kulanka ayaa qabsoomay 20-kii iyo 21-kii Oktoobar, waxaana si wadajir ah u guddoominayay Switzerland iyo ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay.