Asmara (Dawan)– Dowladda Eritrea ayaa sheegtay in Itoobiya ay muddo 35 sano ah heshay gargaar caalami ah oo gaaraya $80 ilaa $90 bilyan, balse ay ku guuldarraysatay inay dadkeeda ka saarto faqriga iyo gaajada.
Hadalkan waxa uu kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, oo ka jawaabay hadal uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ka jeediyay xaaladda dhaqaalaha Eritrea, gaar ahaan warshadaha dalkaas tan iyo markii uu xornimada qaatay sannadkii 1991-kii.
Yemane ayaa beeniyay hadalka Abiy ee ahaa in Eritrea ay lahayd 300 oo warshadood. Wuxuu sheegay in warshadahaas uu dhisay Talyaanigu xilligii gumeysiga, kaddibna Ingiriisku u kala furfuray si uu ugu qaato hanti dagaal ahaan. Waxa uu intaas ku daray in boqortooyadii Haile Selassie ay wixii ka haray warshadahaas u wareejisay Itoobiya.
Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay ka faa’iidaysatay laba wareeg oo cafinta deynta ah oo uu Bangiga Adduunku maalgeliyay, iyadoo sidoo kale heshay taageero dhaqaale oo isdaba joog ah oo ka timid Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo deeq-bixiyeyaal kale. Wuxuu intaas ku daray in ku dhowaad toban sano xaaladda bini’aadannimo ee Itoobiya lagu maareynayay barnaamijyo ay beesha caalamku maalgeliso oo loogu talagalay badbaadinta bulshada, kuwaas oo uu ku tilmaamay “daawo lagu daweynayo xaalad degdeg ah”.