Addis Ababa (Dawan)— Shirkadda isgaarsiinta dowladda Itoobiya ee Ethio Telecom, ayaa dejisay qorshe ganacsi oo sannadka maaliyadeedka 2026/27 ku wajahan dakhli dhan 295 bilyan oo birr, oo u dhiganta qiyaastii $1.83 bilyan.
Qorshuhu wuxuu muujinayaa in dakhliga shirkaddu kordho 36.7% marka loo eego sannadkii hore, taas oo u dhiganta koror dhan 79.2 bilyan oo birr.
Ethio Telecom ayaa sheegtay Khamiistii in kobaca dakhliga uu sii kordhin doono doorka adeegyada ka baxsan isgaarsiinta caadiga ah, iyadoo adeegyada dijitaalka ah iyo kuwa la xiriira lagu bartilmaameedsaday dakhli dhan 77.45 bilyan oo birr, ama 26.3% dakhliga guud.
Shirkaddu waxay sidoo kale saadaalisay faa’iido hawleed (EBITDA) dhan 154.4 bilyan oo birr, iyadoo margin-ku noqonayo ku dhowaad 52%, halka faa’iidada saafiga ah lagu bartilmaameedsaday margin dhan 22%.
Dhanka wax-ku-biirinta dowladda, Ethio Telecom waxay filaysaa inay bixiso 43.1 bilyan oo birr oo saami-qaybsi ah, halka canshuuraha tooska ah iyo kuwa dadban ay gaari karaan 83.8 bilyan oo birr.
Qorshaha waxaa sidoo kale ku jira 8.1 bilyan oo birr oo loo qoondeeyay Sanduuqa Qaranka ee Ka Jawaabista Khataraha Musiibooyinka, taas oo u dhiganta qiyaastii $50.3 milyan.