Markii calanka Faransiiska hoos loo dhigay, xafladdu waxay calaamad u noqotay dhammaadkii joogiisa milatari ee Ivory Coast, iyo marxalad cusub oo ka bilaabanaysa Afrika.
Faransiiska ayaa Khamiistii si rasmi ah u wareejiyay saldhiggiisii milatari ee Ivory Coast, taasoo ay calaamad u tahay hoos u dhac weyn oo ku yimid joogitaankiisa Afrika.
Tan iyo 2015, Faransiisku wuxuu lahaa ku dhawaad 1,000 askari oo ku sugnaa Ivory Coast, isagoo ujeeddadu ahayd ilaalinta xasilloonida gobolka. Laakiin sanadihii dambe, Faransiisku wuxuu wajahaya cadaadis xooggan oo lagaga saarayo Afrika.
hadda waxaa ciidamo Faransiis ah ku harsan kaliya Djibouti iyo Gabon, laba dal oo aan wali muujin wax doonis ah oo ay ku beddeli karaan heshiisyada milateri ee ay la leeyihiin Paris.
Dalalka Mali, Niger, iyo Burkina Faso ayaa horey u amray bixitaanka ciidamada Faransiiska, maalmo kahor uu wadahadallo la yeeshay Senegal si loo dhiso guddi qaban-qaabiya bixitaanka ciidamadiisa.iyadoo dadweynaha iyo dowladaha deegaanka ay ka caroodeen joogitaanka milatari ee Faransiiska.
Maxaa is beddelay? Waa maxay sababta dalal Afrikaan ah ay u diidan yihiin joogitaanka Faransiiska?