Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay rabshadihii iyo iska horimaadyadii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka dhashay xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Farmaajo ayaa sheegay in xaaladda ka taagan caasimadda ay ahayd mid laga hortagi karay haddii la qaadan lahaa wadadii wadahadalka iyo is-afgaradka siyaasadeed, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu iska dhega-tiray digniino hore oo ku saabsan cawaaqibka ka dhalan kara sii hurinta khilaafka siyaasadeed.
“Waa runtii wax laga baaqsan karay oo aan loo baahnayn, oo aan uga dignay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigiisu dhammaaday, oo maanta ku fadhiya sharci-darro, in aysan arrintan gaarin xaaladdan maanta aan taagannahay inaan la gaarin,” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya aan lagu maamuli karin awood iyo xoog ciidan, isagoo xusay in waayo-aragnimada dalka ay muujisay in aan talada lagu sii haysan karin xoog.
“Dalkan doorasho waa inuu galo, xoog kuma heysan kartid, cid xoog ku heysan kartana ma jirto. Cid shalay xoog rabtay inay ku heysatana ma jirin. Maantana kuma heysanaysid, waqtigaagii waa dhammaaday,” ayuu hadalkiisa ku daray.