Soomaaliya, 23 Noofambar 2025 — Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku baaqay in hoggaamiyeyaasha hadda jira ay mudnaanta siiyaan diyaar-garowga doorashooyinka iyo xeerarka sharciga ee hagaya codbixinta, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay in ay marka hore xoogga saarto diyaar-garowga hay’adaha ka hor inta aan ololayaasha siyaasadeed si buuxda loo bilaabin.
“Kolleey xilligan waa xilligii doorashooyinka. waxaa la oran jiray ee qof iyo qabrigiis lama kala qariyo, hadda waa soo noqday waa ikanaa." ayuu yiri Farmaajo isagoo raaciyey "inta aan doorashada iyo howleed la gaarin waxaa la raabaa in mas uuliyiinta jooga hadda inay ka shaqeeyaan 2 arrimood oo muhiim ah, qaabkii doorashada iyo xilligii la qaban lahaa oo weliba aan aan rajaynaynaa inay tahay ay tahay wakhtigii loogu talo galay,” ayuu yiri Farmaajo, isagoo xusay in ay hadda ka hartay kaliya lix bilood oo kaliya waqtiga doorashada.
Farmaajo ayaa hadalkan ka jeediyay isagoo khudbad u jeedinaya koox xildhibaano ah oo Sabtidii habeenkii isugu yimid gurigiisa , taasoo oo ahayd hadalkiisii ugu horeeyey tan iyo markii uu dalka ku soo laabtay 13 Noofambar 2025.
Inkastoo Farmaajo aanu si arsmi ah u shaacin shaacin musharaxnimo madaxweyne, haddana wuxuu xaqiijiyay in uu dib u galay goobta siyaasadda, isagoo ku yiri dadka joogay: “Waan soo laabtay, iyo xilligan waa xilligii doorashooyinka. waxaa la oran jiray ee qof iyo qabrigiis lama kala qariyo.”








