Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu weerar ku qaaday guryo ay degan yihiin madax hore iyo siyaasiyiin mucaarad ah, xilli ay Muqdisho ka taagan yihiin iska horimaadyo hubeysan iyo xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa.
Muuqaal la baahiyay maanta oo Khamiis ah ayuu Farmaajo ku sheegay in dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho xalay iyo saaka ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac, inkastoo uusan bixin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay rabshadaha.
Farmaajo ayaa sheegay in xaaladdaasi laga baaqsan karay haddii dhinacyada siyaasadda ay dooran lahaayeen wadahadal iyo is-afgarad halkii ay ka isticmaali lahaayeen awood ciidan.
Madaxweynihii hore ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in ciidamada dowladda ay weerareen guriga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, odayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin kale oo hore.
“Halkaasna waxaa ka dhacay tacaddi iyo fool-xumo aad iyo aad u weyn,” ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxda hore ee dalka ay leeyihiin xurmo iyo sharaf gaar ah, islamarkaana aysan habboonayn in loo adeegsado awood ciidan ama loo beegsado khilaaf siyaasadeed.