Muqdisho (Dawan) – Maanta oo ah 24-ka Oktoobar ayaa ku eg waqtiga kama dambaysta ah ee codsiyada laba jago oo heer maamul sare ah oo uu dhawaan shaaciyay MyBank Limited, kuwaas oo kala ah Madaxa Hawlaha (Head of Operations) iyo Madaxa Khatarta iyo U-hoggaansanaanta (Head of Risk & Compliance).
Bangigu wuxuu sheegay inuu raadinayo xirfadlayaal leh aqoon iyo khibrad sare oo ku soo biira kooxdiisa maamulka sare. Labada jago waa shaqooyin waqti buuxa ah, waxaana xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.
Madaxa Hawlaha ayaa si toos ah warbixin u siin doona Maamulaha Guud ee bangiga (CEO). Wuxuu mas'uul ka noqon doonaa hoggaaminta dhammaan hawlaha bangiga, isaga oo hubinaya in laamihiisu u shaqeeyaan si hufan oo tayo leh.
Waajibaadka jagadan waxaa ka mid ah maareynta lacagta caddaanka ah, lacag-bixinta, isku-dheelitirka xisaabaadka iyo habaynta macaamillada; dejinta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo habraacyada hawlaha bangiga; hubinta u hoggaansanaanta xeerarka bangiyada iyo kuwa la-dagaallanka lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada (AML/CFT); iyo hoggaaminta isbeddelka dijitaalka ah iyo horumarinta waxqabadka bangiga.
Musharraxa jagadan waxaa looga baahan yahay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee culuumta bangiyada iyo maaliyadda, maamulka ganacsiga, dhaqaalaha, xisaabaadka ama maamulka hawlaha. Sidoo kale, waa inuu leeyahay ugu yaraan lix sano oo khibrad shaqo ah, oo saddex ka mid ah uu ku soo qaatay hoggaaminta hawlaha bangiyada. Waxaa intaas dheer in laga doonayo khibrad la xiriirta nidaamyada aasaasiga ah ee bangiyada (Core Banking Systems), kaararka, xisaabaadka Nostro, SWIFT iyo RTGS.
Dhanka kale, Madaxa Khatarta iyo U-hoggaansanaanta ayaa warbixin siin doona xubinta Guddiga Agaasimayaasha ee qaabilsan khatarta iyo u-hoggaansanaanta. Wuxuu hoggaamin doonaa maareynta khataraha iyo hubinta u hoggaansanaanta xeerarka iyo siyaasadaha bangiga, isaga oo sidoo kale xiriir dhow la yeelan doona hay'adaha dowladda, gaar ahaan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.