Nairobi (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, oo ay suuragal tahay in xilka laga xayuubiyo, ayaa sheegay inuu is difaaci doono markuu Baarlamaanka hortago maanta oo Talaado ah.
Sidaas waxa uu ku sheegay hadal uu xalay u jeediyay shacabka Kenya.
Qayb ka ka mid ah dadwaynaha Kenya ayaa filayey in Gachagua uu ku dhawaaqi doono is-casilaadiisa , laakiin madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku adkaystay in uu diyaar u yahay in uu dagaalamo isaga oo adeegsanaya sharciga dalka u yaal si uu u caddeeyo in aanu dambi lahayn.
Baarlamaanka Kenya, oo ka kooban 349 xubnood, ayaa dhageysan doona is difaacidda Gachagua ka dibna waxay u codeyn doonaan in xilka laga qaado iyo in kale.
Ugu yaraan saddex meelood laba meel xubnaha Baarlamaanka - oo u dhiganta 233 - ayaa loo baahanyahay inay u codeeyaan mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka.
Aqalka Sare oo ka kooban 67 xubnood ayaa sidoo kale dhageysan doona eedeymaha, iyada oo haddii in ka badan saddex-meelood labo meel oo ah 45 xubnood -ay u codeeyaan xil ka qaadista Gachagua, madaxweyne ku xigeenku waxa uu banney doona xafiiska.
Eedeymo la xiriira musuq
Gachagua waxaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u aruursaday hanti lagu qiimeeyay 5.2 bilyan oo shilinka Kenya ah, ama $40.3 milyan, labadii sano ee u dambeysay.