Muqdisho (Dawan)- Ganacsato ka timid Uganda ayaa badeecooyinkooda keenay magaalada Muqdisho, iyaga oo doonaya inay helaan macaamiil cusub, sahamiyaan suuqa Soomaaliyeed, isla markaana abuuraan xiriirro ganacsi oo horseedi kara iskaashi dhaqaale oo waara. Ganacsatadaas waxaa ka mid ah Junior Nuwandinda, oo ka socda shirkadda Warfaa Group Holdings Ltd, kaas oo badeecooyin uu ka keenay magaalada Kampala u soo bandhigay ganacsatada iyo macaamiisha Soomaaliyeed.
“Waxaan halkan u imid bandhigga ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda. Maadaama dadka Soomaaliyeed ay jecel yihiin xawaashka iyo dhadhannada kala duwan, waxaan aaminsanahay in badeecooyinkani ay ku habboon yihiin suuqa Soomaaliyeed. Sidaas darteed, waxaan halkan u imid inaan abuuro xiriirro ganacsi oo aan wada-shaqayn ula yeesho dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Nuwandinda.
Booqashadiisu waxay qayb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu doonayo in ganacsatada labada dal ay yeeshaan xiriir toos ah, iyaga oo sahaminaya badeecooyinka, adeegyada iyo fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada labada dhinac.
Muqdisho ayaa martigelisay shir ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo labada dhinac ay kaga wada hadleen fulinta heshiisyadii hore iyo sidii loo ballaarin lahaa xiriirkooda dhaqaale. Shirka iyo madasha ganacsi ee barbar socotay ayaa muujiyey rabitaanka labada dal ee ah in iskaashigooda lagu ballaariyo dhinacyo ka baxsan amniga iyo diblomaasiyadda.
Madal ganacsi oo kulmisay labada dal
Shirka waxaa ka qaybgalay in ka badan 100 xubnood oo ka socday Uganda iyo 146 xubnood oo Soomaaliyeed. Ajandaha kulanka waxaa ka mid ahaa dib-u-eegista heshiisyadii hore, wada-hadallo ku saabsan xiriirka labada dal iyo madal ganacsi oo ganacsatada u suurtagelisay inay soo bandhigaan badeecooyinkooda, is bartaan, isla markaana sahamiyaan fursado ganacsi.
Ganacsatada Soomaaliyeed oo helay fursado cusub
Faadumo Sheekh Cali, oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qaybgalay madasha, ayaa sheegtay in kulanku u suurtageliyey inay aragto badeecooyin iyo fursado cusub, isla markaana ay ganacsatada Uganda la wadaagto waxyaabaha ay iyagu ka faa'iidaysan karaan.
“Waxaan kala faa'iidaysanaynaa waxyaabo badan. Waxaan halkan ku aragnay waxyaabo badan oo aynaan hore u arki lahayn, annagana wax badan ayay naga faa'iidaysanayaan. Sidaas darteed, iskaashigani wuxuu noo yahay guul weyn,” ayay tiri Faadumo Sheekh Cali.