Godey (Dawan)- Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa daah furay maanta oo Isniin ah Garoonka Diyaaradaha Ugaas Miraad ee Magaalada Godey.
Garoonkan oo loo dhisay qaab casri ah ayay bulshada Gobolka Shabeelle iyo guud ahaan kuwa deegaankuba kaga raysan doonaan adeeg xumadii ka jirtay dhanka Garoonka iyo safarada diyaaradaha.
"Waxaan maanta xariga ka jarnay garoonka diyaaradaha Ugaas Miraad ee magaalada Godey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo dhawaan la dhisay". ayuu Abiy ku yiri bartiisa X, isaga oo intaas raaciyay in Terminalkan cusub ee rakaabka iyo gegida diyaaradaha ay ujeedadiisu tahay in la fududeeyo helitaanka horumar loo siman yahay iyo bixinta adeegyo ku habboon deegaanka.
Abiy Axmed ayaa sheegay in garoonka Ugaas Miraad ee Godey ee Dowlad Deegaanka Soomaalidu uu ahaa mashruuc muhiim ah oo ay fulisay diyaaradda Ethiopian Airlines.
"Madaarkan cusub ee leh terminaalka rakaabka ee ballaaran , wuxuu awood u leeyahay inuu qaabilo afar diyaaradood oo Boeing 737 isku waqqti" , ayuu raaciyay Abiy.