Banjul (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa magaalada Banjul ee dalka Gambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Shirka ayaa looga hadlay amniga gobolka, cawaaqibka ka dhalan kara kulaylka caalamiga ah, cunno yarida, Islaam nacaybka iyo xuquuqda Muslimiinta laga tirada badan yahay.
Madaxweyne Geelle oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa soo jeediyay laba qodob oo ku saabsan Falastiin, wuxuuna yiri; "Waxaan soo jeedinayaa inaan ku boorino beesha caalamaka in ay si adag uga soo horjeesato weerarka dhulka ah ee ay Israel dooneyso in ay ku qaaddo magaalada Rafax, waxaana sidoo kale soo jeedinayaa inaan hergelino baaqa lagu aqoonsanayo dowladda Falastiin"
Geelle ayaa sidoo kale ku baaqay in la dejiyo qorshe cad oo ka jawaabaya dhibaatooyinka ka jira dalalka ku bahoobay ururka iskaashiga Islaamka.