Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Khamiistii u safray magaalada Paris ee dalka Faransiiska si uu u maamuuso ugana tacsiyeeyo Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed, oo ku geeriyooday Faransiiska xilli uu halkaas ku qaadanayay daaweyn caafimaad, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Qaranka Jabuuti (ADI).
Sida ay sheegtay ADI, Madaxweyne Geelle ayaa booqday isbitaalkii meydka marxuumka lagu hayay, halkaas oo uu ugu duceeyay uguna tukaday Wasiirkii Geeriyooday.
War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Jabuuti ayaa Xasan Cumar Maxamed lagu tilmaamay “mid ka mid ah masuuliyiinta ugu daacadsan uguna kartida badan dalka”, iyadoo lagu ammaanay muddadii dheerayd ee uu qaranka ugu adeegayay daacadnimo, karti iyo hufnaan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in shaqada marxuumku ay ku dhisnayd anshax, daacadnimo iyo u adeegidda danta guud, halkii ay ka ahaan lahayd dano shaqsiyeed ama kuwo qabiil.