Jabuuti (Dawan)— Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xukuumaddiisa faray inay mudnaanta siiso amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo dardargelinta isbeddelka dijitaalka ah, isagoo ku boorriyey wasiirrada inay xoojiyaan waajibaadka aasaasiga ah ee dowladda, sida ay sheegtay Talaadadii wakaalada wararka Jabuuti .
Geelle ayaa hadalkan ka sheegay shirkii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirrada tan iyo dib-u-bilaabashada hawlaha siyaasadeed ee dalka, kaas oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa sheegay in amniga, nabadda iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta ay yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa, isagoo xusay in xasilloonidu ay saldhig u tahay horumarka dalka.
“Xaaladda juqraafi-siyaasadeed ee aan ku jirno waxay nagu qasbaysaa inaan si joogto ah u xoojino feejignaanta la xiriirta amniga gudaha, amniga kaabayaasha muhiimka ah iyo ilaalinta xuduudaha,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Dhanka dhaqaalaha, Geelle ayaa xukuumadda ku boorriyey inay dardar-geliso kala-duwanaanshaha dhaqaalaha, si loo abuuro ilo cusub oo kobac iyo shaqo-abuur ah, loona yareeyo ku-tiirsanaanta dhowr waaxood oo dhaqaalaha ah.
“Waa inaan horumarinnaa ilo cusub oo kobaca dhaqaalaha horseeda, gaar ahaan warshadaha fudud, adeegyada dhijitaalka ah, dalxiiska, tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo kalluumeysiga,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale faray dowladda inay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dalka, isla markaana dhiirrigeliso hal-abuurka iyo ganacsiga dhalinyarada iyo haweenka.