Muqdisho (Dawan)— Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay hoyga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Golaha ayaa sheegay inuu walaac ka qabo eedeymaha la xiriira in awood ciidan oo shisheeye lagu lug lahaa dhacdada, isagoo ku baaqay baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo waxa dhacay, cidda ka dambeysay iyo haddii la adeegsaday awood ciidan oo dibadda laga keenay.
Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay bahwadaagta caalamiga ah inay hubiyaan in hubka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sirdoonka iyo taageerada Soomaaliya loo siiyo la-dagaallanka Al-Shabaab aan loo adeegsan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay beenisay inay ku lug lahayd qaraxyada ka dhacay guriga General Mahad.
Dowladdu waxay sheegtay in xogta hordhaca ah ee ay heshay ay muujinayso in walxaha qarxa lagu diyaarinayay gudaha guriga, iyadoo sheegtay inay si dhow ula socoto dhacdada.