Muqdisho (Dawan) -Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga horyimid jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu dhowaan shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
War-saxaafadeed uu Goluhu soo saaray caawa, shan maalmood kaddib markii jadwalka la shaaciyay, ayuu ku caddeeyay inuu si buuxda u diiddan yahay qorshaha doorashooyinka ee guddigu soo bandhigay.
Golaha ayaa ka digay in ku dhawaaqista jadwalkaasi ay horseedi karto kala qaybsanaan siyaasadeed iyo in dalka ay ka hirgalaan hannaano doorasho oo is barbar socda.