Muqdisho (Dawan)– Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay afar xubnood oo loo magacaabayo Golaha Sare ee Garsoorka, oo ah hay’ad dastuuri ah oo loo xilsaaray ilaalinta madaxbannaanida garsoorka iyo maamulka hay’adaha garsoorka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Magacaabistan, oo ay soo jeedisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa ka kooban laba qareen sare iyo laba xeeldheere sharci, kuwaas oo xilka hayn doona muddo shan sano ah marka la dhammaystiro habraacyada ansixinta.
Golaha Sare ee Garsoorka, oo lagu dhisay Qodobka 145-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 2026, waxa uu ka kooban yahay madaxda ugu sarreysa garsoorka iyo afar xubnood oo lagu soo magacaabo habraaca dastuuriga ah. Xubnaha kale ee golaha waxay xubinnimadooda ku helayaan xilalka ay hayaan, waxaana ka mid ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanka ee dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqda Aadanaha.