Hirshabeelle (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya (NIEBC) ayaa ku dhawaaqay jadwalka rasmiga ah ee doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyada oo 20-ka Agoosto loo asteeyay maalinta ay dhici doonto doorashada Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee maamulkaas.
Sida ku cad jadwalka, diiwaangelinta musharraxiinta iyo gudbinta dokumentiyada tartanka ayaa bilaaban doonta 5-ta Agoosto.
Hubinta in musharraxiintu buuxiyeen shuruudaha looga baahan yahay iyo kala caynta deegaannada doorashada ayaa la qaban doonaa 7-da Agoosto, waxaana xigi doona soo saarista liiska hordhaca ah ee musharraxiinta 8-da Agoosto.
Xisbiyada siyaasadda ayaa looga baahan yahay inay guddiga u gudbiyaan magacyada wakiilladooda ka hawlgeli doona goobaha codbixinta ugu dambayn 11-ka Agoosto.