Baydhabo (Dawan) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ka jawaabay cabashooyin ay soo jeediyeen murashaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicaasiis Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna sheegay in la qaadi doono tallaabooyin lagu ilaalinayo amniga doorashada, dhexdhexaadnimada goobta iyo qarsoodiga codbixinta.
Jawaabta guddiga ayaa timid kadib markii labada murashax ay manata oo Talaado ah qabteen shir jaraa’id, iyagoo walaac ka muujiyay hufnaanta iyo caddaaladda hannaanka doorashada Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan ayaa sheegay in murashaxiintu doonayaan doorasho hufan, caddaalad ah oo loo siman yahay, isagoo ka digay in xildhibaannada la saaro cadaadis ama la adeegsado hab dhaawici kara qarsoodiga codkooda.
Wuxuu sheegay in murashaxiintu ay cabasho ka qabaan warar sheegaya in xildhibaannada lagu cadaadin karo inay sawir ka qaadaan warqadda codbixinta, taas oo uu ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin.
Labada murashax ayaa sidoo kale su’aal geliyay doorka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo isna u tartamaya xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan ayaa sheegay in Aadan Madoobe uusan sii ahaan karin Guddoomiyaha Golaha Shacabka isagoo isla markaana ah murashax u taagan hoggaanka Koonfur Galbeed.
“Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, hadda wuxuu yahay guddoomiyaha Golaha Shacabka, sii-hayaha maamulka Koonfur Galbeed, murashax Koonfur Galbeed. Wax la isku qaadi karo ma ahan,” ayuu yiri Shariif Xasan.