Jowhar (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka (GMDQS) ayaa Jimcihii shaaciyay musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo laba musharrax ay u tartamayaan xil kasta.
War ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga ayaa lagu sheegay in xilka hoggaamiyaha ay ku tartamayaan Cali Cabdullaahi Xuseen oo ka socda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka iyo Nuur Cilmi Xalane oo ka socda Xisbiga Ramaas.
Xilka ku-xigeenka hoggaamiyaha waxaa ku tartamaya Cabdifataax Xasan Afrax oo ka socda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka iyo Cabdifataax Baashi Maxamed oo ka socda Xisbiga Iftiin Qaran.
Guddigu wuxuu sheegay in doorashada loo qabanayo si waafaqsan jadwalka, habraacyada iyo xeerarka lagu maamulayo doorashada hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa. Waxa uu sidoo kale xubnaha Golaha Wakiillada, musharraxiinta, warbaahinta iyo bulshada rayidka ah ugu baaqay inay u hoggaansamaan xeerarka iyo habraacyada doorashada.
Doorashada iyo khudbadaha musharraxiinta ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacaan magaalada Jowhar, sida uu horay u shaaciyay guddiga doorashooyinka.