Galmudug (Dawan)— Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyey magacyada afar musharrax oo u tartamaya hoggaanka Golaha Wakiillada Galmudug, sida ku cad warqad uu 17-kii Oktoobar saxiixay guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan.
Xilka guddoomiyaha waxaa ku tartamaya Ismaaciil Cabdi Jimcaale Calasow oo ka socda Ururka Sincad, iyo Xuseen Maxamed Nuur Maxamed oo matalaya Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka.
Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri ayaa u sharraxan guddoomiye ku-xigeenka koowaad, halka Mursal Cabdi Aadan Cilmi uu u tartamayo ku-xigeenka labaad. Labaduba waxay ka socdaan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka, mana jiraan musharraxiin kale oo liiska lagu soo bandhigay labadaas xil.