Jowhar (Dawan)- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa shaaciyay liiska musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaanka Golaha Wakiillada ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle. War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray 21-ka Oktoobar 2026, ayaa lagu sheegay in laba musharrax ay u tartamayaan xilka guddoomiyaha Golaha Wakiillada, halka labada xil ee guddoomiye ku-xigeennada uu midkiiba leeyahay hal musharrax.
Musharraxiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha ayaa kala ah Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Axmed Yuusuf Ciise. Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdi Iidow Kheyre ayaa u taagan xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad, halka Jaamac Cali Maxamuud Muxumed uu u tartamayo xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad.