Hargeysa (Dawan)— Guddiga Nidaaminta Tamarta Somaliland ayaa Talaadadii diiday ogeysiiska lasoo saaray ee lagu sheegay in lagu kordhinayo qiimaha korontada, isagoo sheegay in awoodda lagu ansixinayo wax ka beddelka sicirka ay gaar u yahay Guddiga. Guddiga wuxuu sheegay inuu arkay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu shaaciyay in qiimaha korontada la kordhinayo laga bilaabo bisha Sebtembar.
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga, Iid Saleebaan Cali, oo ka hadlay shir jaraa'id oo ay qabteen kaddib kulan degdeg ah oo ay yeesheen xubnaha Guddiga, ayaa sheegay in ogeysiiskaasi uu yahay mid sharci-darro ah. Wuxuu sheegay in waajibaadka Guddiga ay ka mid yihiin ilaalinta sharciga tamarta, nidaaminta qiimaha korontada, daryeelka danaha bulshada iyo hubinta habsami-u-socodka iyo badqabka adeegga korontada.
“Ku dhawaaqista ah in qiimaha korontada la kordhinayo waa sharci-darro,” ayuu yiri Iid Saleebaan Cali, isagoo sheegay in aanay jirin cid kale oo aan Guddiga ahayn oo awood u leh inay kordhiso ama hoos u dhigto qiimaha korontada.
Guddiga wuxuu sheegay in arrinta loo gudbin doono Xeer-ilaalinta si tallaabo sharci ah looga qaado cidda ka dambeysa ogeysiiska. Guddoomiyaha Guddiga, Cabdi Cige Axmed Good, ayaa sheegay in qiimaha hadda jirta aan wax laga beddelin, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan.
“Qiimuhu meel buu yaallaa, mana is beddelin,” ayuu raaciyay hadalkiisa.