Jowhar (Dawan)— Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlawe ayaa maanta oo Sabti ah i mar kale loo doortay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaddib markii uu helay codadka xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo gaaray 81 cod , sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdulxakiin Luqmaan.
Musharraxii la tartamayay, Nuur Cilmi Xalane oo ka socday Xisbiga Ramaas, ayaa helay 13 cod. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in 98 ka mid ah 99-ka xildhibaan ay ka qayb galeen doorashada, halka afar warqadood oo codbixin ah ay xumaadeen.
Sidaas darteed, waxaa la tiriyey 94 cod oo sax ah, wuxuuna Guudlawe helay 81 ka mid ah codadkaas.
Dhanka kale, Cabdifataax Xasan Afrax oo ka socday Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle, isagoo helay 79 cod. Cabdifataax Bashiir Maxamed oo ka socday Xisbiga Iftiin Qaran ayaa helay 16 cod, halka laba cod ay xumaadeen, kaddib markii ay codeeyeen 97 xildhibaan.
Khudbad uu jeediyay kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada, Guudlawe ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada kalsoonida ay siiyeen, isaga oo sheegay inuu hoggaamin doono Hirshabeelle shanta sano ee soo socota.