Jigjiga (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa heshay saamiga saddexaad ee ugu weyn miisaaniyadda cusub ee dowladda federaalka Itoobiya, taasoo gaartay 2.34 tiriliyan oo Birr (14.5 bilyan oo dollar), waana miisaaniyaddii ugu weynayd ee abid ay ansixiso dowladda Itoobiya.
Qorshaha miisaaniyaddan oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Itoobiya isla markaana loo gudbiyay Golaha Wakiillada Shacabka si loo meel mariyo, ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga iyo ilaalinta xasilloonida dhaqaale.
Miisaaniyadda cusub ayaa 520.5 bilyan oo Birr loogu qoondeeyay 12-ka dowlad goboleed iyo labada maamul magaalo ee dalka. Deegaanka Soomaalida ayaa ka helay 51.9 bilyan oo Birr (qiyaastii 322 milyan oo dollar), taasoo ka dhigaysa gobolka saddexaad ee ugu badan miisaaniyadda federaalka kadib Oromiya iyo Amxaarada.
Dowlad Deegaanka Oromiya ayaa helay saamiga ugu weyn oo dhan 179.3 bilyan oo Birr, halka Amxaaradu heshay 112.4 bilyan oo Birr. Deegaanka Soomaalida ayaa ka horreeya deegaanno kale oo waaweyn sida Koonfurta Itoobiya oo heshay 36.5 bilyan oo Birr, Tigreega oo helay 31.3 bilyan oo Birr iyo Bartamaha Itoobiya oo loo qoondeeyay 30.9 bilyan oo Birr.
Kala horeyntan ayaa muujinaysa muhiimadda sii kordheysa ee deegaanka Soomaalidu ku leeyahay qorshaha horumarinta Itoobiya. Gobolka oo ah mid ka mid ah kuwa ugu ballaaran dalka, ayaa leh muhiimad dhaqaale iyo juqraafiyeed oo gaar ah, maadaama uu xuduud la wadaago Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti.