Muqdisho (Dawan)— Qiyaastii 11,500 oo qof oo Soomaali ah ayaa sannadkii 2025 Hindiya u aaday adeegyo caafimaad, sida lagu sheegay cilmi-baaris lagu soo bandhigay Shirka Bandhigga Guuleystayaasha oo markii shanaad lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Cilmi-baarista ayaa sidoo kale muujisay in Soomaalidu sannadkii hore caafimaadka dibadda ku bixisay lacag lagu qiyaasay $219 milyan oo doollar, taas oo sare u qaadaysa su’aalaha ku saabsan tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka gudaha dalka.
Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ay Soomaalidu sida badan u aadaan daaweynta, waxaana sidoo kale ka mid ah Masar, Turkiga iyo Itoobiya.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Yaasiin Cibaar, ayaa sheegay in lacagta caafimaadka dibadda ku baxda ay aad u badan tahay, isaga oo ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho horumarinta adeegyada caafimaadka gudaha dalka.