Jowhar (Dawan) – Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaraya mashaariic horumarineed oo muhiim ah, kuwaas oo la dhameystiray kadib muddo dheer oo ay socdeen howlaha dhismaha iyo hirgelintooda.
Mashaariicda la daahfurayo waxaa ugu weyn Madaxtooyada cusub ee Hirshabeelle, taas oo noqoneysa tii ugu horreysay ee maamulka yeesho tan iyo markii la aas-aasay. Intii uu jiray maamulka Hirshabeelle, madaxdii kala dambeysay ayaa ku shaqeyn jiray dhisme hore oo ahaa gurigii Guddoomiyihii hore ee magaalada Jowhar, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Sidoo kale, waxaa maanta la daahfurayaa wadooyin muhiim ah oo lagu hormarinayo isku socodka gudaha magaalada Jowhar, iyo dhismayaal cusub oo loo dhisay Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda Hirshabeelle.
Xafladda daahfurka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, hoggaanka Hirshabeelle, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.